Capturehgjjy - Wardeeq news

Gaadiid hub tiro badan waday kana yimid dhinaca dalka Itoobiya ayaa shalay lagu weeraray deegaan duleedka ka ah degmada Caabudwaaq, waxaana hubkaasi markii dambe gacanta ku dhigay oo boobay maleeshiyaad hubeysnaa iyo dad shacab ah.

Sidoo kale, hubkan iyo gaadiidkii waday oon ilaa hadda la ogeyn cidda iska leh ayaa gacanta u galay maleeshiyaad iyo shacab kasoo jeeda degmada Caabudwaaq, waxaana laga adkaaday ciidamo katirsan dowladda oo ilaalo u ahaa hubka maleeshiyaadka la wareegeen.

Dhanka kale, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ,Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heleen xogta gaadiid waa weyn oo waday hub kala duwan gacanta u galeen dadka deegaanka Caabudwaaq.

Ugudambeyn, waxa uu sheegay wasiirka in maleeshiyadaka deegaanka heleen xogta baabuurta hubka siday oo markii hore loogu sheegay in ay wadaan teendhooyin, waxa uuna xusay in dagaal dhax maray ciidamo gaadiidka ilaalinayay iyo maleeshiyaadka kaddib la boobay hubkii gaadiidka saarnaa.

Verified by MonsterInsights