MAQAA - Wardeeq news

Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne gaar ahaan agagaarka deegaanka Guufaale.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay haweeney maqaaxida iskalaheed Waxaa la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah goobta u gaaray iyagoo joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, si ay baaritaano uga sameeyaan. Maqaayada uu qaraxu ka dhacay ayaa la og yahay in ay fariistaan ​​askarta dowladda.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Beledweyne, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay yaraadeen weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhici jiray magaalada. Magaalada Beledweyne waxaa weli ku hardamaya maamullada Hiiraan State iyo Hirshabeelle taasoo qeyb ka ah xiisadaha ka taagan deegaanka.

Verified by MonsterInsights