cii - Wardeeq news

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Beerayabaal waxa ay ku soo qabteen nin Itoobiyaan ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Shakhsiga, oo loo aqoonsaday inuu yahay Oromo ayaa qaybo jijkiisa ka mid ah ku leh tattoos calaamado sida caadiga ah xiriir la leh dadka aan Muslimka ahayn.

Al-shabaab ayaa inta badan adeegsada shaqsiyaad dambiyo ka galay dalalkii ay ka yimaadeen ninkan ayaana ka mid ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta.

Howlgalka ayaa daba socday dagaal labo maalmood ka hor ka dhacay agagaarka deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan Qabashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, gaar ahaan bariga Hiiraan Gobolkan ayaa waxaa xusid mudan in uu yahay deegaanka kaliya ee si weyn loo wiiqay awooda Al-Shabaab tan iyo markii la xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilowday dhamaadkii sanadka 2023-ka oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah. Taas bedelkeeda, kooxdu waxay weli ku xooggan tahay gobollada kale ee dalka.

Ururka Al-Shabaab oo ah koox Islaami ah oo mintidiin ah ayaa sanadihii u dambeeyay la kulmeysay cadaadis militari oo kaga imaanayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Iyadoo taasi jirto, kooxdu waxay yeelatay adkeysi badan, iyadoo dagaalyahanno ka qoratay Bariga Afrika, iyadoo uu meesha ka baxayo howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS). ATMIS oo ay ku jiraan ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa lagu wadaa in dhamaadka sanadkan ay soo gaba gabeeyaan dhimistooda,taasi oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo faaruqa amni ee uu ka tagi karo. Kooxdu waxay samaysteen ciidamo ka socda Bariga Afrika oo dhan oo ka kooban dagaalyahanno ajaanib ah oo loo yaqaan Muhajiriin, kuwaas oo u badan Itoobiyaan, Kenyaan iyo Tansaaniya.

Weerar dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga ATMIS ee magaalada Beledweyne ayaa muujiyay sida ay kooxda u sii xoogeysaneyso. Falanqeeyayaasha ayaa xusay in Al-Shabaab ay aad ugu xeel dheeraatay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa ee ay adeegsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii dambe guulo ka gaaray Al-Shabaab, iyagoo la wareegay tuulooyin istiraatiiji ah oo ku yaalla deegaannada ay kooxdaasi ku xooggan tahay ee gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe Si kastaba ha ahaatee khubarada ayaa ka digaya in guulahaasi ay qeyb ka noqon karaan xeeladaha Al-Shabaab ee ah in ay dib isu soo abaabulaan oo ay weeraro rogaal celis ah ku qaadaan.

Verified by MonsterInsights