- Wardeeq news

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun ku ridday taliyihii hore ee saldhiga degmada Hiliwaa saraakiil ka tirsan ciidamada booliska iyo rag kale oo lagu eedeeyay dilka Ganacsade Abuukar Axmed Kabax oo duleedka Muqdisho ku dilay 22-kii February 2024.

Bishii April maxkamada ciidamada ayaa xukuno kala duwan ku riday lix nin balse eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaatay.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku xukuntay taliyihii saldhiga booliska C/fitaax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo labo askari oo horay uga tirsanaa ciidamada booliska oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone. Eedeysane kale oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Axmed oo maqnaa ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in.

Sidoo kale Maxamed Cadaawe Cali Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Siciid Dhiin-Dhin ayaa lagu xukumay toddobo sano oo xabsi ah sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida G/sare Liibaan Cali Yarow.

Dhageysigii hore ee Maxkamadda ayaa Taliye Qoslaaye iyo Qoone waxa ay ka xayuubiyeen Darajooyinkii Ciidannimo waxaana laga saaray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Verified by MonsterInsights