Xiddig - Wardeeq news

Alaah ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday caalimka weynaa Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Ismaan Xiddig), oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho guri uu ka deganaa.

Sidoo kale, geerida Sheekh Ismaan Xiddig waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ahaa xerta Sheekha, waxa uuna sheegay in uu u geeriyooday xanuuno muddooyinkii lasoo dhaafay uu la ildarnaa Sheekh Ismaan Xiddig.

Dhanka kale, masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin caan ah, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga hadlay geerida Sheekh Ismaan Xiddig, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada iyo dadka Soomaaliyeed uu Sheekha ka baxay.

Qaban qaabada aaska Sheekh Ismaan Xiddig ayaana saakay ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Sheekha la sheegay in lagu aasi doono qabuuro kuyaalla agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ugudambeyn, sheekh Ismaan Xiddig ayaa kamid ahaa culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa suufida kuwooda ugu waa weyn, waxa uuna Sheekha soo diin baray dad badan oo Soomaaliyeed oo daafaha dunidda kunool, kuwaa oo iyana dad kale oo badan sii baray diinta.

Verified by MonsterInsights