Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey xasuuqii al Shabaab shalay loogu geystay deegaannada kala ah Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.
Axmed Macallin Caydiid oo kamid ah dadka ku Dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay xasuuqa Al-Shabaab iyo sida looga hortagay qorshahe bogaadin xooggan mudan, meesha ka saareyso weerarada fuleynimo ee khawaarijta isticmaalaan kuna soo qaadaan fariisimaha Xoghaye Ciidanka Xogga iyo kuwa deegaanka.
Dhankiisa Cali Axmed Faarax oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa isna sheegay in uu xalay ay ula mid aheyd markii xorriyadda laga qaatay gumeystayaashii 1960-kii, isagoo sheegay inuu ku seexday farxad, eegayana marba muuqaalladii laga soo duubay xasuuqa khawaarijta.
Xabiibo Cali Maxamed oo ku dhaqan dallka Mareykanka oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa ku sheegtay xasuuqa khawaarijta mid bogaadin xoogan mudan, iyadoo geesiyaasha Xoogga kula talisay hanaankii loo maareeyay weerarkii khawaarijta looga faa’ideysto meel kasta oo Ciidanka Qaranka joogaan, si meesha looga saaro weerrada fuleynimo ee Al-Shabaab
In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland shalay ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.