Idiris la qabtay - Wardeeq news

Howlgallo ka dhan ah AS ayaa ciidamada nabad sugidda Soomaaliya waxa ay ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanada Galmudug Idiris Maxamed Sheekh oo lagu magacaabo Madaxii Zakawaat-ka ee Kooxda Xagjirka ah ee gobolka Galguduud, ayaa todobaadkii hore laga soo qabtay deegaanka Mareerguur oo qiyaastii 28-KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Dhuusomareeb.

Idiris Maxamed Sheekh oo si weyn uga dhex muuqda Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu si dhow ula shaqeyn jiray Axmed Diiriye oo hadda ah Amiirka kooxdaasi xilligaasi oo Diiriye uu ahaa guddoomiyaha ee gobollada Bay iyo Bakool toban sano ka hor. Qabashadiisa ayaa loo arkaa in ay dhabar jab weyn ku tahay awoodda howlgallada Al-Shabaab ee gobolka.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay xariga SIdiris Maxamed Sheekh iyadoo soo bandhigtay kaalintii uu ku lahaa maareynta falalka baadda ah ee ka dhaca Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Idiris Maxamed Sheekh uu horay xilal hoggaamineed uga soo qabtay howlgallada ay kooxdaasi ka wadeen deegaannada Baay iyo Bakool.

Verified by MonsterInsights