images 7 - Wardeeq news

Waxaa la soo afjaray colaadii u dhexeysay beesha Arab iyo ciidamada dowladda Somaliland, taas oo ka dhacday magaalada Baligubadle. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa booqday Baligubadle si uu uga qeyb galo soo dhaweynta heshiiska nabadeed.

Biixi ayaa xaqiijiyay in heshiiska xabad joojinta lagu gaadhay shuruud la’aan, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo xaaladda gobolka iyo guud ahaan Somaliland. Booqashada madaxweynaha ayaa ah talaabo muhiim ah oo muujinaysa isku dayga dowladdiisa ee xasilinta gobollada oo ay dhowaan ka dhaceen iska horimaadyo.

Tallaabadan ayaa la filayaa in ay horseedi doonto wada hadallo dheeraad ah oo lagu soo afjarayo xiisadaha iyo colaadaha ka aloosan qaar ka mid ah gobollada Somaliland

Verified by MonsterInsights