FB IMG 1724560149247 - Wardeeq news

Ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo saaka laga maqlay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Waxaana xigtay gubashada suuq wayn oo ku yaalla halkaas oo uu dab xoogan qabsaday, kadib qaraxyada lala eegtay. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa gilgilay Tabeelaha.

Isla-markaana hanti badan ay dhextiilay ayaa lasoo wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Suuqaan oo aad u camirnaa.

In Al-Shabaab, wararka ayaa sheegaya ay beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu xiray Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

Waxaana lagu howlanyahay daminta ayaa haatan ah mid aad u kacsan.

Verified by MonsterInsights