2024 09 13t131753z 1322176312 rc2pz9a976pv rtrmadp 3 germany kenya migration - Wardeeq news

Jarmalku waxa uu Kenya la galay heshiis dhinaca socdaalka ah oo la xakameeyey, kaas oo Berlin ka dhigi doona mid albaabada u furaya shaqaale Keenyaan ah oo xirfad iyo aqoon hoose leh. Heshiiska ayaa waxaa

Jimcihii kala saxiixday ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz iyo madaxweynaha Kenya William Ruto. Ruto ayaa Jimcihii ka degay dalka Jarmalka booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee shaqaalaha imaan doona Jarmalka, ayaa afhayeen u hadlay xafiiska madaxtooyada Kenya wuxuu horay u sheegay inay eegayaan fursadaha shaqo ee ilaa 250,000 oo Kenyan ah. Socdaalku waa isha ugu weyn ee Jarmalka,

waxayna sii kicisay kor u kaca xisbiga midigta fog ee Alternative for Germany (AfD). Jarmalka ayaa soo dhaweeyay in ka badan hal milyan oo qof intii lagu jiray mashaqadii soogalootiga ee 2015-2016 iyadoo dhawaanahan ay qabteen

tiro badan oo reer Ukraine ah oo ka cararay duulaanka Ruushka. Heshiiska ayaa imaanaya iyadoo dowladda Scholz ay billowday olole ka dhan ah socdaalka sharci darrada ah, iyadoo dhawaan ku dhawaaqday in la adkeeyay koontaroollada xuduudaha. Dabayaaqadii bishii hore, Berlin ayaa soo bandhigtay tillaabooyin amni oo cusub oo looga golleeyahay in lagu dedejiyo masaafurinta

magangelyo-doonka la diiday iyo soogalootiga aan sharciyeysnayn taasoo billaaban doonta toddobaadka soo socda. Sidoo kale ka hortagga socdaalka aan joogtada ahayn, heshiiska waxaa loogu talagalay in lagu wajaho baahiyaha suuqa shaqada ee labada

waddan, siinaya fursado shaqaalaha Kenya iyada oo lagu kabo gabowga Gemany yaraanta shaqaale xirfad leh. Sidoo kale waxaa la doonayaa in lagu fududeeyo dib u celinta dadka Kenyanka ah ee sida sharci darada ah ku jooga dalka Jarmalka. Labada dal ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga dhanka dib u celinta ah, iyadoo la soo saaray tillaabooyin

ay ka mid yihiin adeegsiga xogta biometric si loo ogaado kuwa looga baahan yahay inay ka baxaan Jarmalka. Baasaboorka dhacay iyo kaararka aqoonsiga ayaa hadda sidoo kale loo aqbali doonaa dukumeenti socdaal si loo fududeeyo dib u celinta. Sida ay sheegtay

dowladda Jarmalka, waxaa hadda ku nool Jarmalka ku dhawaad ​​14,800 oo muwaadiniin Kenyan ah. Ku dhawaad ​​800 oo iyaga ka mid ah ayaa laga rabaa inay dalka ka baxaan.

Verified by MonsterInsights