2024919638623068214494249 - Wardeeq news

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo soo saaray qoraal xasaasi ah ayaa ka falceliyay hadalkii carada dhaliyay ee kasoo yeeray agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya

Bashiir Macallin Cali oo dhawaan ku dhawaaqay hadal ay ka caroodeen reer Koonfur Galbeed. Yuusuf Garaad Maay iyo Maxaa tiri kusoo jawaabay ayaa sheegay in gef wayn ay tahay in ilmo Itoobiyaan lagu tilmaamo dad badan oo Soomaaliyeed,

wuxuuna tilmaamay in arrintaas ay dhaawaceyso midnimada dalka. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in tallaabo adaga laga qaado mas’uulka yiri hadalkaas ee u gefay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf

Verified by MonsterInsights