Turkey Somalia Ethiopia scaled 1 - Wardeeq news

Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo

xiisadda ka dhex aloosan labada dal tan iyo horraantii sanadkaan. Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan

magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si idiot ka fool ah. Wasiirka ayaa sidoo kale markaas muujiyay rejo wanaag dhinacyada ay xal gaaran.

Verified by MonsterInsights