baydhabo2 - Wardeeq news

Wararka” naga soo gaaraya gobolka Bakool: ayaa sheegaya” in maanta dad shacab ah lagu afduubtay deegaan dhaca xadka ay wadagaan gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay weerar ka gaysteen maleeshiyaad hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka ay yimaadeen deegaan u dhow degmada Rabdhuure, isla markaana ay halkaasi ka kaxeysteen illaa 8 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan dhalinyaro, carrruur iyo dad waa waynba.

Maleeshiyaadka afduubka gaystay ayaa lasoo wariyay isku soo ekeysiiyeen ciidanka Liyu Boolis ee dowlad deegaanka, kadibna ay xoog ku wateen dadkaasi rayidka ah.

Lama oga halka ay la aadeen; waxaana arrintan ay cabsi xoogleh ku abuurtay dadka shacabka ee ku dhaqan gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka. Wararka ayaa Intaasi Kusii Daraya

Verified by MonsterInsights