P - Wardeeq news

Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay.

Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaa kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay. Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay,

waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland. Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka. Sidoo

Verified by MonsterInsights