32e03860 4398 11ef 9b44 55b14f49e9b4.jpg - Wardeeq news

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeyay.

Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maximumkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shaeci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa.

“Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goord.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan or ay ixtiraamaan, si

Verified by MonsterInsights