461778915 122172488930245326 5634606335909618238 n - Wardeeq news

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Amb. Joachim Waern. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray

xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, iyada oo lagu falanqeeyey arrimaha la-dagaallanka Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageerada ay dowladda Sweden u fidiso Ciidanka Booliiska

Soomaaliyeed. Taliyaha Asad Diyaano oo dhawaan loo magacaabay xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kulankan ku muujiyay sida ay muhiim u tahay

iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga, si sare loogu qaado awoodda ciidamada booliiska iyo habka ay ula tacaalaan amn. Danjire Joachim Waern ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladda Sweden, sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarada ciidanka, si loo xoojiyo.

Verified by MonsterInsights