Howlgalka SSC Khaatumo ee Buuhoodle - Wardeeq news

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal nooc cusub ka bilaabay deegaano hoostaga magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer,

halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanku. SSC ayaa sheegtay in halkaas ay ka fullisay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ciidamadu bartilmaameedsadeen xarumo

ku yaalla halkaasi. Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘anshax xumada iyo maandooriyaha’ ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen goobo gaar ah oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka-dooriya, kadib xog ay ka heleen

shacabka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo xirxireen shaqsiyaad ku eedeysan inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha, kuwaas oo uu tilmaamay inla horgeyn doono sharciga. Waxaa kale oo uu taliyuhu intaasi kusii daray in dagaalkooda uu sii socon doonno illaa inta laga soo afjarayo

Verified by MonsterInsights