461782636 1032925175540755 7713629848990013453 n - Wardeeq news

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska. Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada

madax-banaan iyo qeybta guud ee gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah. Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga

dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taliye Asad Diyaano ayaa shalay si Rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Asad ayaa markaas ballan-qaaday inuu la imaan qorshayaal.

Verified by MonsterInsights