108916123 ddddddd142057030 - Wardeeq news

Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah xubnaha xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saaray qodobo xasaasi. Ah Shirkan oo lagu falan-qeeyay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan shirka magaalada Muqdisho

uga socda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa waxaa madasha looga digay inay soo saarto go’aanno uga sii dari kara xaaladda taagan. “Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka,

si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah,” yiri qodobada kasoo baxay xisbiga Sheekh Shariif. Hoos ke aqriso qodobada oo dhameystiran. 1. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in Madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed or uga sii daraya.

2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soo jeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.

3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku dowlad goboleedyada.

4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada unmadda Soomaaliyeed.

5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka; si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heerwalba. 7. Xisbigu wuxuu ugu Baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax ka

Verified by MonsterInsights