2024105638636910934168352 - Wardeeq news

Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda buuxda

ee madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladahani waxay sidoo kale hoosta ka

xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la yareeyo xiisadaha ka taagan gobolka, iyaga oo taageeraya dadaallada dhexdhexaadinta ee uu Turkigu hormuudka ka yahay si xal nabadeed looga gaaro arrimaha siyaasadeed. Wakiillo ka kala socda dowladahan oo ku kulmay dalka Mareykanka ayaa si gaar ah uga dooday muhiimadda ay leedahay in laga hortago

khataraha joogtada ah ee ay kooxaha argagixisada ah ku hayaan amniga gobolka. Geeska Africa ayaa waxaa weli ka jira dhibaatooyin amni oo ay wadaan kooxo xiriir la leh argagixisada caalamiga ah, gaar ahaan Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights