thumbnail 1 - Wardeeq news

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay duqeymo xooggan ka gaysteen bariga gobolkaasi. Diyaaradaha

ayaa duqeeyay aagga deegaanada Baraag Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, halkaas oo ay ku dhuumaalysanayaan xubno ka tirsanĀ  Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay; isla markaana weerarka cirka ah uu bilowday saala aroortii hore; waxaana barbar socda dagaallo toos ah. Weerarkan ayaa daba socdo duqeymo shalay ka dhacay

isla gobolka Galgaduud or lagu laayay Al-Shabaab badan. Warsaxaafadeed Sabtidii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Nisa, Macawiisleyda iyo saaxibada caalamiga ah

Verified by MonsterInsights