Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur oo ay wehliyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa dhiiragalin iyo abaabul ugu tagay Macaawiisleyda Deegaanada Warciise iyo Balcaano ee Gobolka shabellaha Dhexe si loo dardargaliyo dagaalada dib u xureeynta deegaanada ay Khawaariijta kaga suganyihiin Shabellaha Dhexe.
Ciidamada Macaawiisleyda deegaanka Warciise iyo Balcaano ayaa sheegay in habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca deegnadooda islamarkaana ay meelwalba kula dagaalamayaan Khawaariijta.
Gudoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur ayaa ciidamada deegaanka ku booriyey in aysan ka seexan la dagaalanka argagixisada kusoo duushay deegaanka islamarkaana kaga dabatagaan meelwalba oo ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaariijta.