Deymiile - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya Xaafada Oodweyne ee degmada Deynile ayaa sheegaya in la dilay sadax qof oo ganacsato ah. Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in Ganacsataad ay ku dileen Goobo Ganacsi, oo ay ku lahayeen degmadaas. Sidoo kale Wararka

ayaa sheegaya in ganacsatadaan loo dilay sababo la xariira Kaamera CCTV ay ku xireen goobahooda ganacsi. Lama oga illaa hadda Heybta kooxda dilka geysatay, balse Alshabaab ayaa dhawaan Qaraxyo ku xiray Goobo Ganacsi oo lagu xiray Kaamiro Qaraxyadaas oo sababay in ay Gubtaan Xarumahaas oo ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Verified by MonsterInsights