Ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo Arbacadii ka dhacay koonfurta dalka, sida ay xog cusub sheegtay. Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Wayaanta oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan
magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob la tuhunsan yahay inay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Saddex sarkaal oo si toos ah wax uga ogaa dagaalkaas, oo codsaday inaan magacyadooda la aqoonsan,
sababtoo ah in loo diiday inay la hadlaan warbaahinta ayaa VOA u sheegay in 11 askari oo ka tirsan ciidamada gobolka iyo kuwa dawladda lagaga dilay dagaalka, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Mid ka mid, ah Saraakiisha.