Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn saaka ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaanka Camara ee gobolka Mudug, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab. Duqeynta
ayaa si gaar ah loola beegsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas. Wararka ayaaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare culus oo Al-Shaab kasoo gaaray weerarkaasi, balse tiro ahaan ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda
deegaanka ayaa kacsan, waxaana goobta la duqeeyay isku geedaamay xubnaha Al-Shabaab or xadiday dhaq-dhaqaaqa dadka. Camaara iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa waa badanaa ka dhaco duqeymo iyo dagaallo ay halkaasi ku qaadaan ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah.