Mareykanka ayaa Jimcihi shalay shaaca ka qaadday, qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaas oo ay ku rabtay in ay ku khaarijiso madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, ka hor iyo kaddib doorshadi dhacday Talaadadi aanu kasoo gudubnay. Isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada, kaas oo muddo ku qaatay
xabsiyada Mareykanka, dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri. Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo
shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo.