NISA, Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

0
4

Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo maanta howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxd Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda/ 467399297 1068381945328411 824161241635661805 n - Wardeeq news

Laba xubnood oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare)sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.466919035 1068381948661744 6034352668426093659 n - Wardeeq news

Kooshin ayaa kooxda u qaabilsanaa isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka Kayse lagu eedeeyay inuu dhaqtar u shaqeynayay Al-Shabaab, uuna qaabilsanaa n daaweynta bukaanadooda jooga degmada Jilib sidoo kale waxaa NISA ay sheegtay inuu Adeer u yahay horjoogaha khawaarijta ee arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore gacanta ugu soo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa dhibanayaal u noqday amarkaas, waxayna beegsi kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo dil ku bilowday, sidoo kalena qarxisay goobo ganacsi oo ku yaal caasimada

.466593472 1068381968661742 7665211359114301436 n - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here