Dowladda Japan ayaa agab casri ah ugu deeqday ciidanka booliska, gaar ahaan qeybta miino baarista, qalabkaas oo ah ka hortaggaya walxaha qarxa ee dhibaatada ku haya shacabkeenna.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa uga mahad-celiyay dowladda Japan qalabkan ay soo gaarsiisay ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista awoodda ka hortagga walxaha qarxa, iyadoo qeybtaan ay tababaraan hay’adda QM u qaabilsan miino baarista ee UNMAS.