NISA, ku raadjoogta nin qaraxyo soo geliyay Muqdisho

0
0

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ku raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo magaca uu istikmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibrahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu istikmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah, kasoo baxday hay’adda. “NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” the song. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsatay inay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan

468279671 1076757904490815 7559903674892709840 n - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here