Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu soo waramayaa in uu si ku meel gaar ah u ansixiyay xirmo hub ah oo dhan $680 million oo la siinayo Israel, xitaa iyada oo sheegtay in ay waddo nabad ka dhalata Bariga Dhexe. Wararka ku saabsan heshiiska hubka ee Arbacadii ayaa imaanaya maalin kadib markii Biden uu ku dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah, wuxuuna ballan-qaaday inuu dib u cusboonaysiin doono dadaallada lagu doonayo in heshiis la mid ah uu Israa’iil iyo Xamaas ku dhexmaro Gaza – kaas oo uu marar badan ballan-qaaday balse ku guul-darreystay.