Warar- dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday mas’uul sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen weerarka oo lagu beegsaday Guure Maxamed Xirsi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac halis ah, xilli uu ku sugnaa goob Farmashi ah oo ku taalla agagaarka Ex-Koontarool Balcad. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in rasaasta la furay uu sidoo kale ku dhintay milkiilaha goobta ganacsiga; waxaana kadib baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi. Wararka ayaa Intaasi ku Daraya in Kooxda.