Xoogaga ka soo horjeeda dowladda Suuriya ayaa sheegay in ay gaareen cirifka magaalada Homs, saacado kadib markii kumannaan qof ay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada muhiimka ah oo ay ka socdaan weerarada danab ee mucaaradka.
War kooban oo lasoo dhigay Telegram goor dambe oo Jimce ah, dagaalyahano ay hogaaminayaan kooxda hubeysan ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda Suuriya in ay goostaan.
“Ciidamadeenu waxay xoreeyeen tuuladii ugu dambeysay ee agagaarka magaalada Homs, waxayna hadda ku sugan yihiin gidaarada magaalada,” ayuu yiri taliyaha ciidamada mucaaradka.
Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya (SOHR) ayaa mar sii horreysay sheegtay in kumannaan qof oo deggan magaalada Homs ay bilaabeen in ay u qaxaan habeenkii oo dhan dhanka xeebta galbeed, halkaas oo uu weli gacanta ku hayo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.
Rami Abdel Rahman, oo ah madaxa kooxda dabagalka ee fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegay in dagaalyahanada mucaaradka ay qabsadeen laba magaalo – Rastan iyo Talbiseh – oo ka tirsan gobolka Homs ka hor inta aysan u sii durkin dhanka magaalada.
Homs, oo ah magaalo muhiim ah oo isku xirta Dimishiq iyo xeebaha Suuriya, ayaa 46km (29 mayl) u jirta koonfurta Hama, oo HTS iyo dagaalyahannada xulafada ah ay qabsadeen Khamiistii, maalmo ka dib markii ay ciidamada dawladda ka qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Xalab.