Farmaajo oo war kasoo saaray dagaalkii Raaskambooni

0
6

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Raaskambooni ku dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ka dhigan yahay dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Dagaalkaas

ayaa horseeday in ciidamada dowladda ay isaga baxaan Raaskambooni, isku dhiibaan ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudda. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan

aheyn Khawaarijta Al-Shaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran

ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Dagaalka Maanta ka Dhacay Deegaanka

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here