Taliyaha guud ee maamulka cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa iska fogeeyay dood ka socotay baraha bulshada, kana dhalatay muuqaal muujinaya isaga oo gabar dhalinyaro ah oo doonaysay inay sawir la gasho u sheegaya inay timaha daboolato kahor inta uusan sawirka la galin todobaadkii hore.
Dadka ka faalooda arimaha libaraalka waxa ay ku tilmaameen in tani tahay mid la dhaleeceeyay, halka kuwa muxaafadkana ay taageereen, waxa ayna dhalisay hadal hayn ku saabsan jihada. Libaraalka ayaa codsiga hogaamiyaha Hay’at Taxriir al-Sham u arkay mid muujinaya in laga yaabo inuu doonayo inuu ku soo rogo maamul islaami ah Suuriya ka dib markii uu dhacay xukunka Assad,