Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha degmadaasi oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. Labada dhinac ayaa
lasoo warinayaa in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan halkaasi, taas oo keeni karto in mar kale ay labada ciidan. Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 askari oo labada dhinac, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan,
waxaana sidoo kale barakacay dadka deegaanka. Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay ka hortegtay weerar ay sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen garoonka Doolow, kadibna dagaalkii dhacay ay uga saartay degmadaasi. Dhankeeda dowladda Somaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn u jeedisay Axmed.