Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska. Dagaalka saaka ayaa ah
mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo dagaalamayay halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay
dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda. Is-maamulka soomaalida itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka