Shiinaha ayaa cashuur ku soo rogay agabka ka hortagga dhalmada

Laga bilaabo sannadkan 2026-ka macaamiisha Shiinaha waxay bixin doonaan canshuur dheeri ah oo ah 13% oo lagu soo rogay kiniinnada ka hortagga uurka. Dhanka kale, xarumaha daryeelka carruurta waxaa laga dhaafay canshuurta laga qaado.

 

Shiinaha oo ah waddanka labaad ugu dhaqaalaha badan adduunyada, wuxuu qaadayaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si uu u kordhiyo heerka dhalashada.

 

Shiinuhu wuxuu hirgeliyay siyaasadda “Hal Ilmo” sannadkii 1994, taas oo ku qasbaysay lammaanayaasha in ay yeeshaan hal cunug oo keliya.

 

Sharcigan waxaa loo dejiyay in lagu xakameeyo kororka tirada dadka, iyadoo la xaddidayo tirada carruurta qoys walba u dhalan karta

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.