Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Musharaxiinta oo taageray Go’aankii Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed

Musharaxiinta oo taageray Go’aankii Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa Go’aan geesinimo leh ku tilmaamay midkii saddexda maamul Goboleed ka qaateen muddo kororsiga, kadib War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa sheegay in Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen ay muujiyeen danqasho iyo u turis shacab, kadib tallaabadii ay kaga soo horjeesteen muddo kororsiga sharci darrada ahaa ee loo sameeyay Farmaajo.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa shegay inay ku kalsoon yihiin Go’aanka ay qaateen shanta dowlad Goboleed ee dalka, isla markaana uu dalka u horseedi karo in colaadaha jira lasoo afjaro, lana qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey Musharaxiinta uga digeen in Ciidamada Qalabka Sida uu u adeegsado danahiisa siyaasadeed, iyagoona ugu baaqay inay ka waantoobo arrintaas.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...