Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood, iyadoona kulanka looga hadlay qulqulatooyinkii toddobaadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Qoraal la soo dhigay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook ayaa lagu sheegay “Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle & Midowga Musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida Caasimadda, ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay iyo arrimaha doorashooyinka.”
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Isniintii sheegay in wadahadal iyo is afgarad ay yihiin wadada keliya ee xasillooni siyaasadeed lagu gaari karo.
“Dowladdu waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo. Hawshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysan doono, Insha’Allah.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.
Rooble ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dalka ay ka dhaceyso doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii September, oo loo arkay kan keliya ee xaaladda taagan looga gudbi karo.