Hub Masar laga keenay oo lagu qabtay Koonfur Galbeed kadib weerarro la qorsheeyay
Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay hub ay sheegeen in laga keenay dalka Masar, kaas oo loo adeegsaday weerarro ka dhacay deegaanno ka tirsan maamulkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hubkan lagu qabtay howlgallo amni oo ay sameeyeen ciidamada maamulka, iyaga oo xusay in hubkaasi uu ku socday kooxo hubeysan oo damacsanaa inay falal amni darro ka geystaan gudaha deegaannada Koonfur Galbeed.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in hubkan uu ka yimid dibadda, gaar ahaan dalka Masar, inkasta oo aysan weli faahfaahin buuxda ka bixin sida uu ku soo galay dalka iyo cidda ka dambeysa abaabulkiisa.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo hay’adaha ammaanka inay xoojiyaan la socodka iyo ka hortagga hubka sharci darrada ah ee dalka la soo gelinayo, si loo sugo amniga guud.

Dhanka kale, lama sheegin tirada saxda ah ee hubka la qabtay, balse sawirro la baahiyay ayaa muujinayay noocyo kala duwan oo hub ah, oo ay ku jiraan qoryo iyo rasaas.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo maamulka uu sheegay inuu sii wadi doono howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
