March 15, 2025

Saciid Cabdilaahi Deni oo jeediyey hadal cajiib ah muujinaya sida ay u kala duwan yihiin Axmed Madoobe

64 / 100

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa dagaalkan uga hadlay si cajiib ah, isagoo hadalkiisa ka duway sida uu uga hadlay Axmed Madoobe. Khudbadda uu jeediyey habeen ka hor ayuu xoogga ku saaray dagaalka ay kula jiraan Daacish, inkasta oo uu sidoo kale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa in halkaan hambalyo uga diro ciidamada Soomaaliyeed ee annaga oo kale howlgallada uga wada deegaannada kale ee dalka. Meel kasta oo ay joogaan ciidamada Soomaaliyeed waxay gudanayaan shaqo naf-hurnimo ah. Inta shahiiday Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland, oo qiray in dagaalku uusan sahlaneyn, ayaa dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ugu baaqay inay dhabar-adayg muujiyaan iyagoo Alle talo saaranaya.

“Dagaalka Khawaarijta waa howl qaran, halaga wada qayb qaato. Dadka Soomaaliyeed ha u jiheystaan dagaalka argagixisada dalkooda kusoo duushay,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid ayaa dadka Soomaaliyeed ku eedeeyey inay dalkooda dayaceen, taasoo u fududeysay argagixisada inay qabsadaan. “Dadka Soomaaliyeed xisaabaadka dib ha u fiiriyeen, wixii ay qaldeena ha saxaan,” ayuu yiri.