Dagaal ayaa ka socda bariga Yemen oo ku teedsan xuduudka Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeysay fariisimo ay ku sugnaayeen golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta Yemen, xilli ay ku guda jireen dadaallo ay ku doonayaan in ay dib ugala wareegaan gacan ku heynta deegaanka u dhow xudduuda ay leeyihiin kooxda uu Imaaraadku taageero ee doonaya dal madax bannaan.
Afhayeenka milatariga Yemen ee STC, Mohamed al-Naqib, ayaa sheegay in dagaal ba’an uu ka socday gobolka Xadramout iyadoo dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka uu la dagaalamayo ciidamada “Homeland Shield”.
Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa duqeymo ka geystay fariisimo STC ah oo ku yaalla duleedka magaalada Seyuun ee Xadramout.
TV-ga Yemen ayaa sheegay in dagaalyahanada STC ay isaga baxeen isbaarada al-Safaq ee degmada Hadramout ee Rakhyah.
Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijisay in ciidamadeedii ugu dambeeyay ay ka baxeen Yemen, waxayna ku baaqeen in la qaboojiyo weerarada cirka ee xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo.
Aidarous al-Zubaidi, oo ah madaxa STC, ayaa ku dhawaaqay bilawga xilliga ku meel gaadhka ah ee laba sano ah oo ay ku xigto afti madaxbanaanida koonfurta dalka.
