War Deg AH Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Digay Somaliland, Kuna Gacan Saydhay Qorshaha Israel Ee Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa digniin adag ka soo saaray dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee ay Somaliland ku lug lahayd, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo khatar ku ah qaranimada Soomaaliya iyo amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay ujeeddooyin istiraatijiyadeed ka waddo gobolka la baxay.
Dhammaan wararka ugu dambeeyay, kala soco wardeeq news
Maxamuud oo Sabtidii waraysi gaar ah siiyey Al Carabiya English ayaa ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax sharci ah oo ay ku taagan tahay dawlad gaar ah.
“Waxa la yiraahdo Somaliland waa gobol kale oo Soomaaliya ka tirsan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyadoo loo marayo dariiq nabadeed ay wiiqeen falal uu ku tilmaamay kuwo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah.
Hoggaamiyaha Soomaaliya waxa uu sheegay in hoggaanka Somaliland ay ka maqan tahay sharciyad, isla markaana ay u dhaqmayso rajo xumo, isaga oo ku dooday in mashruuca gooni-goosadka uu noqday “mid aan soconayn”.
Sida uu sheegay Maxamuud, guul-daradaasi waxa ay horseedday go’aamo beryahan dambe la doonayey in lagu helo aqoonsi caalami ah, qiimo kasta oo ay ku kacdo.
Waxa kale oo uu sheegay in Israa’iil ay saddex ujeedo ku xidhan tahay Somaliland oo kala ah inay saldhig milatari ka samaysato meel u dhow gacanka cadmeed iyo badda cas, inay Somaliland ku qanciso inay aqbasho dadka Falastiiniyiinta ah ee la barakiciyey, iyo in hogaanka Somaliland la keeno heshiiskii Abraham. Maxamuud ayaa si cad u diiday qorshe kasta oo ku lug leh raritaan qasab ah oo lagu hayo Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin tallaabadan oo kale “ xaalad kasta ha ahaatee.
“Soomaaliya xuduud lama wadaagto Falastiin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in barakicin kasta oo khasab ah ay dabada ka riixayso siyaasadda Israa’iil halkii ay ka ahaan lahayd xaqiiqada gobolka. Isaga oo ku tilmaamay fikradda “riyada Israa’iil,” Maxamuud waxa uu sheegay in ay tahay mid “aan weligeed rumayn doonin.”
Madaxweynaha ayaa ka digay in xaaladdu ay tahay khatartii ugu cusleyd ee Soomaaliya soo wajahda sannadihii u dambeeyay, iyadoo xitaa ay dhaaftay dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Isagoo carrabka ku adkeeyay in wada-hadalku uu weli yahay habka ay Soomaaliya door bidayso, haddana ma uusan meesha ka saarin in awood la isticmaalo haddii amniga qaranka la khatar galiyo, isagoo ku jawaabay “laga yaabee” markii si toos ah loo weydiiyo.
Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan ah si ay uga hortagto waxa uu ku tilmaamay caqabadda tooska ah ee ka dhanka ah madax-bannaanida Soomaaliya, isaga oo arrinta ku macneeyay mid ka baxsan siyaasadda gudaha una gudbaya xasilloonida gobolka iyo sharciga caalamiga ah.
