March 15, 2025

Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaden oo ku eedeysay Abiy in uu jebiyey heshiiskii 2018 – Maxay qorsheyneysaa?

59 / 100

ONLF) ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay jebisay heshiiskii nabadeed ee 2018, iyada oo sheegtay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay si nidaamsan u caburineyso ka-qaybgalka siyaasadeed ee Soomaalida, islamarkaana ay sii xoojisay go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

ONLF, oo heshiiskaasi u saxiixday in ay soo afjarto kacdoonkii hubeysnaa ee tobannaan sano ka socday deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay ku guuldarreysatay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska.

Jabhaddu waxay ku eedeysay Itoobiya inay ka hor istaagtay aqoonsiga sharci ee ONLF iyada oo loo marayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, diiday dib-u-heshiisiinta dagaalyahannadeedii hore, islamarkaana ay si khaldan u adeegsaday magaca ururka shirarka caalamiga ah iyada oo aanay jirin wax matalaad dhab ah.

“Dowladda Abiy Ahmed waxay dhabarka u jeedisay nabadda iyo dimuqraadiyadda, beddelkeedana waxay la timid cabburin, marin-habaabin, iyo xukun xarig adag,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF. Jabhaddu waxay ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay si ula kac ah u xannibtay codadka madax-bannaan ee Soomaalida, islamarkaana ay xoojisay cadaadiska siyaasadeed iyo xayiraadaha dhaqaale ee gobolka.

Cabashada ONLF ayaa sii xoogeysatay kadib markii Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, General Berhanu Jula, lagu eedeeyay inuu ONLF ku tilmaamay “cadaw” Itoobiya ah, islamarkaana uu ku andacooday in kooxdaasi horey taageero uga heshay Masar. Hadalkan, oo lagu baahiyay barta Ethio-Forum 8-dii Sebteembar 2024, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

ONLF ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay si degdeg ah u caddeyso arrintaasi islamarkaana ay ka laabato hadalladaas, iyada oo digtay in hadalladaasi ay halis gelinayaan heshiiskii nabadeed ee 2018.