Khadiija Axmed oo Noqotay Afhayeenka Cusub ee Ergada Soomaaliya u Fadhida UN-ka

New York: Afhayeenka cusub ee Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay, Khadiija Axmed, iyo Danjire Abuukar Baalle ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York, halkaas oo ay kaga hadleen doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu guddoomin doono qaar ka mid ah shirarka Golaha Ammaanka, taas oo muujinaysa kalsoonida caalamku ku qabo hoggaanka Soomaaliya iyo doorkeeda diblomaasiyadeed.
Waxay tilmaameen in xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay fursad u tahay in si toos ah loogu matalo danaha dalka, looguna hadlo arrimaha amniga, nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
