March 15, 2025

Daraawiishta Puntland oo wali sii wada baacsiga Daacish

59 / 100

Boosaaso: Ciidanka daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Turmusaale ee gobolka Bari ayaa maanta hawlgal lagu baacsanayay firxadka Khawaarijta Daacish ka sameeyeen Togga Jaceel iyo Togga Ina Cidoole ee gobolka Bari

 

Inta uu socday hawlgalka ciribtirka nabadiidka, ciidamada soo saaray miinooyin Khawaarijtu dhulka ku aaseen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

 

Sidoo kale Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa la wareegay talisyadii Daacish ay ku lahayd Togaga ay howlagallada ka sameeyeen, iyadoo ciidanku soo bandhigeen sawirrada difaacyadii kooxda Daacish laga saaray.