Dowladda ku meel gaarka ah ee dalka Suuriya ayaa ciidamo xoojin ah u dirtay magaalooyinka dhaca xeebaha waqooyi galbeed ee dalkaasi halkaasi oo ciidamada amaanka ay dagaalo culus kula galeen dagaalyahanada daacada u ah hogaamiyihii hore ee Bashaar Al Assad.
Rabshadaha, oo lagu soo waramayo in ay ku dhinteen boqolaal qof, oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah, ayaa soo bandhigaya caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda maamulka cusub ee dowladda tan iyo markii ay xukunka la wareegtay markii al-Assad xukunka laga tuuray Diseembar 2024.