Mid Kamid Ah Ilaalada Cali Guudlaawe Oo Ku Dhintay Dagaalka Ka Socda Jowhar

0
266

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa maamulka Hirshabeelle iyo Kooxda Macwiisleyda oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii rag ka tirsan Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin galbeedka Jowhar, waxaana intaas kadib dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qof ku sugan Jowhar oo la hadlay Idaacadda wardeeq ayaa u sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn tirada khasaaraha.

Gaari u lahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in maleeshiyada macawiisleyda ay qoriga saban ah ku dhifteen, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Ilaalada Madaxweynaha, waxaana kamid ahaa Cali Axmed Goodaad oo dhintay, halka Ciise Nuur Maxamed uu dhaawac soo gaaray.

Maleeshiyaadka ka tirsan Macawisleyda ee weeraray Saldhiga Ciidanka ku leeyihiin galbeed Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay doonayeen in si ay xoog ah halkaas uga soo furtaan rag ka tirsan kooxdaas oo u xiran Maamulka Hirshabeelle.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here