Ciidamo ka tirsan dowladda oo tababar loo soo xiray

0
127
4 5 - Wardeeq news

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska dalka ee Gorgor ayaa tababar loogu soo xiray Magalada Sparta ee dalka Turkiga, halkaas oo mudo dhowr bilood ah uu tababarka uga socday.

Munaasabadda tababarka logu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka kala socotay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo leh tababarka Ciidamada.

U qeyb sanaha Arrimaha Ciidamada ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga  Janeraal Maxamed Maxamuud Xuseen (garabeey) ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin dufcadii 7aad ee tababar ku qaata dalka turkiga, isla markaana tababarada ay noqon doonaan kuwo sii socda.

Waxaa uu uga mahad celiyay dowladda turkiga dadaalkeeda ku aadan tababarka iyo qalabeynta ay la garab taagan tahay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Dowladda Soomaaliya, waxaana ay Soomaaliya u tababartay kumanaan Askari, sidoo kalena ay qalabeeysay.

1 12 - Wardeeq news 2 11 - Wardeeq news 3 9 - Wardeeq news 4 5 - Wardeeq news 5 3 - Wardeeq news 6 1 - Wardeeq news

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here