Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay in aysan joojineyn dadaalka ay ugu jiraan doorashada

0
119

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa shaaciyay in Golahooda uu siijirayo maadaama doorashada Soomaaliya heshiis laga gaaray dhawaana ay bilaabaneyso.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorashada ee la gaaray, waxaana uu sheegay in dadaal farabadan loo galay in laga hortaggo in dalka galo fowdo & xaalad kali-talis ah.

Sidoo kale Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in dadaalkii loo galay hirgelinta arrimaha doorashooyinka ay m idowga musharixiinta sii wadi doonaan, isla markaana aysan kali tegi doonin.

Ugu dambeyn Afhayeen Daahir Maxamuud Geelle ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Saraakiisha & Ciidamadii ka hortegay mudo kordhinta ee la Magac baxay Badbaado Qaran.

Warkan kasoo yeeray Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Khmiistii la soo dhaafay la shaaciyay heshiis laga gaaray Arrimaha doorashada Soomaaliya, isla markaana la filayo in muddo 60 Cisho Gudahood ah ay doorasho ka dhacdo dalka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here